Cisbitaalka Guud Ee Abokor Ee Degmadda DAROOR Oo Hawl-galo Caafimaad Laga Fuliyey
Cusbitaalka Santarka Abokor Ee Degmada Daroor ee Gobolka Jarar Ee Dawladda Deegaanka Soomalida ayaa laga fuliyay Adeeg-yo caafimaad, kaas oo ay fulinayeen dhakhaatiir is xil-qaantay oo kasoo jeeda Deegaankaasi.
Hawl-galkan caafimaad ayaa waxaa uu socday laba maalmood, waxaana ka faa’idaystay Boqolaal qof oo ku dhaqan Magaalada Abokor Iyo Deegaannada Hoos yimaadda. Waxaa hawl-galkan hogaaminayay, Dr Mustafe Cumar Kureed.
Bulshadii ka faa’idaystay ayaa dareen farxadeed kusoo dhaweeyay hawlkan caafimaad.
Dhakhaatiirtan fulisay hawl-galkan, ayaa lahaa takhasusaad kala duwan, sida Cudurrada Haweenka, Xanuunnada Guud, Indhaha, Caruurta iyo Qeybtii shaybaadhka.

