Tahriibeyaal af duubtay markabkii badbaadiyay

Dowladaha Talyaaniga iyo Malta ayaa sheegay inay Muhaajiriin shalay afduubteen Markab Xamuul oo laga leeyhay Turkiga, kaasi oo ku sugnaa Badda Libya, waxayna Shaqaalihii Markabka ku khasbeen inay jihada Markabka u beddelaan dhanka Waqooyiga ee Qaaradda Europe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga,Matiyo Salfiini waxa uu sheegay in Markabkaasi oo nooca Booyadlaha ah lagu magacaabo El Hiblu 1 ay shaqaalihiisa mar sii horreysay Muhaajiriintaasi ka soo badbaadiyeen Badda Meditereniyaanka.

Waxa uu intaasi ku daray inay 120 Muhaajiriin ah qafaasheen Markabkaasi, waana markii ugu horreysay oo fal Burcad-baddeed ah ka dhaco Badda fog oo ay Muhaajiriin afduubtaan.

Dhinaca kale. Ciiddanka Badda ee Malta ayaa sheeegay inay heegan ku jiraan, isla markaana uu Markabka laga afduubtay weeli ku sugan yihiin Xudduud-baddeedka Libya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker