Gabdho Somali Ah Oo Laga Afduubtay Xaafada islii Ee Magaalada Nairobi oo Nolol iyo Geeri lagu la’yahay

Muuqaal argagax leh oo lagu bahiyay baraha bulshada oo ay ka soo muuqatay mid ka mid ah gabdhahaas, waxay sheegtay in kooxda haysata ay doonayaan illaa $50-kun oo dollar oo madax-furasho ah.

Gabadha ka soo muuqatay fiidiyowga waxaa wejigeeda ku yaalla dhaawacyo xun. Da’deedana waxaa lagu sheegay 23 sano, sida uu qoray wargeyska Standard ee Kenya.

Wargeyskaas oo soo xigtay dumaashigeeda oo lagu magacaabay Cumar Ibraahim, wuxuu qoray: “Dadkii afduubtay waxay farriin noo soo qoreen Arbacadii (oo shalay ahayd), waxayna sheegeen in madax-furashada ay doonayaan”.

“Waxaan ka walwaleynaa in ay dhibaato u geystaan”, ayuu hadalka ku sii daray, sida ku xusan Standard.
warbaahinta Kenya qaarkood waxay sheegeen in muuqaal ay duubtay kaamerada amniga, ay ka muuqdaan gabdhaha oo xilli galab ah sii galayay dukaanka Xafsa oo Kabaha lagu iibiyo, kuna yaalla xaafadda Islii.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker