Gabadh Loo Haysto Dilkii Najmo Cabdullahi Macallin Oo Lagu Xidhay Dalka Kenya

Mombasa(OWN)-Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa howlgal balaaran iyo baadigoob ay sameeyeen kusoo qabtay Faisa Cali Xasan oo ku eedeysan dilka Najmo Cabdullahi Macallin oo dhawaan meydkeeda laga helay Magaalada Mombasa.

Gabadh ay booliiska Kenya xidheen ayaa lagu tuhmayaa in ay ka dambeesay dilka Najmo Cabdullaahi oo meydkeeda magaalada Mombasa laga helay, waxaana la sheegay in gabadhanย  aheyd qofkii ugu dambeeyay ee la arka oo la socda Najmo.

Ciidamada booliiska magaalada Mombasa gaar ahaan kuwa dambi baadhista ayaa maxkamada ka codsaday in 14-cisho xabsiga lagu sii hayo Faaโ€™isa Cali si baadhitaanada kiiskan usoo dhamaystiraan una soo saaraan xaqiiqada.

Faaโ€™isa Cali Xasan ayaa ka baxsatay magaalada Mombasa markii ogaatay in ciidamada booliiska baadigoobayaan, waxaanaย  ciidamada kasoo qabteen magaalada Eldoret iyada oo baxsad ku jirta.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker