Wararkii Ugu Danbeeyey Tirada dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay Muqdisho

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho ee ka dhashay qarax Ismiidaamin ah oo maanta lala beegsaday  albaabka  hore ee xerada tababarka militariga ee General Dhagabadan ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka socotay qorista ciidan cusub.

Qof is qarxiyay ayaa la sheegay inuu soo dhexgalay dhallinyaro loo diiwaan galiyay ka mid noqoshada ciidanka Soomaaliya.

Tirada dadka ku dhintay qaraxaas ayaa gaartay 21 qof, halka dhaawacuna cagacageynayo 26 kale oo qaarkood xaaladoodu liidato, kuwaasoo haatan lagula tacaalayo isbitaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka General Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in dadka dhintay ay dhammaantood ahaayeen dhallinyaro doonayay inay ka mid noqdan ciidanka Soomaaliya.

Sidoo kale qoraal, ka soo baxay safaarada Turkiga ee Muqdisho ayaa lagu cambaareeyey qaraxaas, iyadoo tacsi loo diray ehelada dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxaas oo ay sheegatay kooxda Al-shabaab.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker