Nin Sheegay Inuu Ka Badbaaday Nibiri Liqay Kadibna Soo Tufay

Nin kalluumeysato ah oo ku nool dalka Mareykanka ayaa ka sheekeeyay sida uu uga badbaaday nibiri liqay xilli uu ku sugnaa xeebaha gobolka Massachusetts. Ninkan oo lagu magacaabo Michael Packard ayaa sheegay inuu liqay nibiriga xilli uu badda quusay. Ninkan ayaa la sheegay in 30 ilaa 40 ilbiriqsi uu ku dhex maqnaa caloosha nibiriga ka hor inta uusan soo tufin. Michael Packard isaga oo jahwareersan ayuu banaanka yimid, inkasta uusan dhawaac culus soo gaarin, waxaa kala fagaday jlibka.

Nibiriga ayaa dheereerkiisu gaaray 50 ft, waxaana lagu qiyaasaa culeyskiisa 36 tan, sida laga soo xigtay ha’yadda caalamiga ah ee ka shaqeysa ilaalinta duur joogta. Guud ahaan nibiriga ku nool dunida wuxuu gaarayaa 60,000. Mr Packard oo 56 jir ah wuxuu warbaahinta Cape Cod Times u sheegay in subaxnimadii Jimcaha aheyd uu weerar kusoo qaday nibiriga xilli ay saarnaayeen dooni yar. Kadib markii aan ka booday doonta oo aan quustay badda, waxaan dareemay wax culus oo isoo celiyay, waxaan galay mugdi” ayuu yidhi kalluumeystaha oo u warramayay warbaahinta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker