Guddida Doorashooyinka JSL oo ku Gacan-Saydhay Dalab uga Yimi Odaayasha Gobollada Bari

Waxa habeenimadii xalay kulan muhiima aqalka madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland ku yeeshay madaxda axsaabta qaranka, xubno ka mida golaha Wasiirada iyo Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland.

Sidoo kale kulankani waxaa uu daba socday kulamo hore u dhex maray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, axsaabta qaranka iyo odayaasha gobolada barriga oo uu ujeedkiisu ahaa in dib loo eego jedwalka diwaan-gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka dalka oo hore ay u dejiyeen komishanka doorashooyinku; kana bilaabmay gobolada galbeedka Somaliland, iyada oo la filayo in 13-12-2020 ka bilaabmanto gobolada barriga Somaliland.

Waxaana kulamadaasi lagu go’aamiyey in lagala tashado oo loo bandhigo komishanka doorashooyinka qaranka inay wixii suuragala ay dib u eegaan, waxana isla kulankaasi loogu yeedhay guddida doorashooyinka oo iyaguna cadeeyey in wakhtigu ku yar yahay, suurta galna aanay ahayn in ay mar kale dib u eegis ku sameeyaan wakhtiga diwaangelinta codbixiyeyaasha in dib loo dhigo, madaama wakhtigu is-riixayo.

Waxaana si wada jir ah warbaahinta ula hadlay madaxda axsaabta qaranka iyo komishanka doorashooyinka qaranka oo fariin u diray gobolada codsiga hore u soo gudbiyey inay u diyaar garoobaan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha wakhtigii hore loogu asteeyey inay kaga qabsoonto goboladaasi.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker