Somaliland: Wasaaradda Caafimaadka oo Qabanaysa Carwadii u horeysay nooceeda ee dalka lagu qabto

Hargeysa (OWN)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland Md Cumar Cali Cabdilaahi Bade, ayaa maanta shaaca ka qaaday inay dhawaan qabanayaan Shirweyne Qaran oo lagu lafa-guri doono Arrimaha Caafimaadka, kaas oo ay bar-bar socoto Carwo dhinaca caafimaadka ah oo lagu soo bandhigi doono adeegyada Caafimaad ee dalka ka jira.

 

Shirweynaha Caafimaad oo noqonaya kii ugu horeeyey noociisa ee lagu qabto dalka muddadii Somaliland jirtay, waxa u Wasiirka Horumarinta Caafimaadku sheegay inay wasaarad ahaan soo qaban-qaabiyeen diyaarinta Carwadii ugu horeysay Caafimaad oo kulminaysa Mihnadleyaasha Caafimaadka, Goobaha adeegyada Caafimaad u qabta bulshada, hay’adaha Caalamiga ah ee Somaliland ka taageera kalana shaqeeya dhinaca Caafimaadka. 

 

Faahfaahinta Warkan ka daawo Muuqaalka hoose

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker