Dalka Senegal Oo Aad Looga Hadal Hayo Nin 12 jeer Xabsi Ka Baxsaday
Dadweynaha dalka Senegal ayaa aad u hadal haya nin marar badan oo is xig xigay ka baxsasday xabsiyo ku yaalla dalkaas, wuxuu sheegay in 12 jeer uu ka baxsaday xabsi.
Ninkan oo lagu magacaabo Baye Modou Fall wuxuu sheegay in dumiyay qeybo kamid ah xabsiga isla markaana uu ka booday gidaarka isaga oo adeegsanaya xarig.
Wuxuu intaas ku daray in muddo 9 sano ah uu sugayay in caddaalad helo balse qareenada qaar ayaa dacwaddiisa ku tilmaamay inay muujineyso baahida loo qabo in wax laga baddalo nidaamka caddaaladda ee Senegal.
Ninka oo 32 jir ah wuxuu isku sheegaa in uu yahay ganacsade isla markaana hantida uu heysato uu ka dhexlay aabihii.
Wuxuu ku adkeystay in wax rabshado aanuu geysan oo uusan adeegsan wax hub ah.
Weligii ma uusan dhigan iskuul balse wuxuu wax ka dhigtay dugsi Qur’aan ka hor inta uusan cilmiga kombiitaarka ka baran dhowr meel.
Wuxuu ahaa nin la doon doonayay, sanadkii 2016 waxaa u suurogashay in uu u cararo dhinaca dalka Gambia.
Waxaana lagu xidhay Gambia balse dowladdaas ayaa diiday inay u gacan geliso Senegal.
Muddo shan bilood kadib uu ku xidhnaa Gambia, waxaa mar kale lagu qabtay xadka Senegal ay la wadaagto Guinea.
Afar sano kadib, waxaa lagu eedeeyay dambi ah uu dhac geysanayay bishii Nofembar 2020.
Wuxuu sugayay in la dhageysto kiiskiisa isaga oo loo heysto dacwado kala duwan xilli toddobaadkii lasoo dhaafay uu ka baxsaday xabsiga.
‘Wiilka leh awoodda ruuxiga ‘
Dalka Senegal waxaa looga yaqaana Boy Djinné oo micnihiisu yahay wiilkii awoodda ruuxiga lahaa balse qareen horey uga doodi jiray ayaa rumeysan in hadalkaas aanuu ka turjumeyn xaaladda dhabta ah ee wiilka.
Wuxuu intaas ku daray qareenkiisii hore, ” waa nin caato ah oo gaaban oo weliba aad u xishood badan, ma ahan tuug, weligii ma aanuu dilin qof” ayuu yidhi Abdoulaye Babou oo muddo 10 sano ah difaacayay Baye Modou Fall.
Markii ugu dambeysay ee uu xabsiga kasoo baxsaday, wuxuu telefishin laga leeyahya Senegal u sheegay in sababta uu baxsaday ay tahay in muddo dheer uu sugayay in la dhageysto kiiskiisa sidaas darteedna uu 9 sano xabsiga ku jiray isaga oo sugayay caddaalad.
Wuxuu intaas ku daray in aanay jirin cid ka caawisay in uu kasoo baxsado xabsiga.
Taliyaha booliska ee gobolka uu ku yaalla xabsiga ayaa ku dooday in xabsiga si weyn amnigiisa loo adkeeya sidaas darteedna ay jiraan dad ka caawiyay arrintaas.