Dawlada Turkiga oo Caawimo kale oo Caafimaad ka Rogtay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (OWN) – Labo Diyaaradood oo ka yimi Wadanka Turkiga ayaa maanta ka soo degtay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo keenay Gargaar caafimaad oo loogu tala Galay  Xakamaynta Cudurka Covid-19 .

Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya oo ka Warbixisay deeqdaasi markale ka timi Turkiga ayaa sheegtay in diyaaradda Turkish Airlines ay keentay qalab caafimaad.

“Diyaaradii Afaraad ee sida qalab caafimaad ee ka socota Dowladda Turkiga ayaa kasoo degetay gageda Diyaaraha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.” ayaa lagu yiri muuqaal la soo dhigay bogga wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.

 

 

Turkiga oo ah saaxibka dhow ee Soomaaliya ayaa labo jeer oo hore Muqdisho ka soo dajiyey gurmad caafimaad oo ay la wareegtay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka, si looga hortago Covid-19 oo fara ba’an ku haya Somalia.

 

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo xiriir la sameeyey dhiggiisa, Recep Tayyip Erdogan ayaa kaga mahadceliyey hiilka walaalnimo iyo agabka caafimaadka uu sida deg-degga ahi ugu soo diray Soomaaliya.

 

 

“Aniga oo ku hadlaya magaca shacabka iyo dowladda Soomaaliya, waxaan kaaga mahadcelinayaa mudane Madaxweyne iyo shacabka qiimaha leh ee Turkiga gargaarka deg-deg ah ee aad na soo gaadhsiisey, taas oo naga Caawineysa in aan ka hortagno cudurka COVID-19,” ayuu yidhi Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan, waxuuna Turkigu Soomaaliya ka caawiyaa tababarka ciidamada, siyaasadda iyo bani’aadanimada.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker