Horyaalka Premier League Oo Maanta Kulamadii ugu dambeeyay La Ciyaarayo

Horyaalka kubadda cagta dalka Ingiriiska ee Premier League ayaa maanta lasoo gaba gabeyn doonaa guud ahaan iyadoo horraan horyaalka ay ku guulesatay kooxda Manchester City.

Ciyaaraha ugu xiisaha badan galabta ayaa ah kuwa ay ciyaarayaan kooxaha ku loollamaya labada boos ee kasoo haray afarta boos ee ugu sarreysa horyaalka si ay ugu soo baxaan ciyaarista tartanka Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Labada Manchester ayaa hubiyay boosaska koowaad iyo labaad iyadoo Man City ay booska koowaad iyo horyaalka isku qaadatay halka Man United iyaduna ay booska labaad xidhatay kaddib barbarrihii toddobaadkii hore ay la gashay Fulham.

Sidaas darteed, kooxaha Chelsea, Liverpool iyo Leicester City ayaa ku dagaallamaya labada boos ee hadhay, waxaana kooxdii booskeeda lumisaa ay aadi doontaa tartanka Europa League.

Haatan Blues ayaa ku jirta booska saddexaad ee kala sarreynta horyaalka iyadoo leh 67 dhibcood, waxayna hal dhibic ka sarreysaa labada kale oo wadaaga min 66 dhibcood inkastoo Reds ay booska afaraad ugu jirto farqiga goolasha oo ay kaga badan tahay kooxda Macallin Brendan Rodgers.

Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ayaa xaqiijin doonta booskeeda saddexaad haddii ay guul ka keento ciyaarta ay Aston Villa booqaneyso, sidoo kale Jurgen Klopp kooxdiisa ayaa guul ku xaqiijin karta booskeeda, balse Leicester ayaa u baahan inay guul gaadho isla markaasna ay dhibco lumiyaan labada naadi ee kale ama mid ka mid ah.

 

Kulammada kale ee maanta la ciyaari doono

06:00 PM : Arsenal vs Brighton

06:00 PM :  Fulham vs Newcastle United

06:00 PM :  Leeds vs West Bromwhich

06:00 PM :  Man City vs Everton

06:00 PM :  Sheffield vs Burnley

06:00 PM :  West Ham vs Southampton

06:00 PM :  Wolves vs Man United

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker