Wararkii Ugu Danbeeyey Isra’iil oo duqeymo ka wada Qasa

Ciidamada Israa’iil ayaa manta oo Talaado ah wada duqeymo xagga cirka ah, iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu taageero u muujiyay xabad joojinta u dhaxeysa Israel iyo Xamaas .

Dagaalka u dhaxeeya dhinacyada Israa’iil iyo Falastiin ayaa u yeeshay weji cusub ,ka dib markii militariga Israa’iil ay sheegeen in ay sidoo kale duqeeyeen Lubnaan iyaga oo ka jawaabaya lix gantaal oo laga soo tuuray aagagga koonfureed ee dalka deriska la ah.

Ugu yaraan 212 Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 61 carruur ah ayaa dhimatay, Ilaa 1,500 oo Falastiiniyiin ah ayaa la dhaawacay,halka toban qof oo Israa’iiliyiin ah oo ay ku jiraan laba carruur ah la dilay, 300 oo Israa’iiliyiin ahna ay ku dhaawacmeen .

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker