Abiy Axmed oo Sheegay In dalal Awood iyo Dhaqaalo heesta faro galin ku hayaan dalkiisa
Raโiisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa sheegay in ay jiraan dalal awood iyo dhaqaalo badan heesta iyo hayโaddo kala duwan in ay faro galin qaawan ku haya arimaha gudaha dalkiisa.
Abiy Axmed ayaa sheegay in dalal dhaqaalo xoogan heesta iyo hayโaddo uu magacyadooda qariyay in ay doonayaan in faragalin ku sameeyaan arimaha gudaha Itoobiya una yeeriyaan waxa ay iyagu doonayaan iyo habka ay rabaan in loo noolaado.
Waxa uu uga digay Raโisul Wasaare Abiy Axmed dalalka iyo hayโadaha faro galinta ku haya in ay faraha kala baxaan arimaha gudaha Itoobiya, waxa uuna cadeeyay in goโaanka doorashada ay gaarayaan dadka Itoobiyaanka.
Raโisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay inaanu oggolaan doonin in dibu dhacyada doorashada guud ku yimid loo isticmaalo ajandayaal kale, waxa uuna xusay in dhagarta loo maleegayo Itoobiya ee dibadda ka socota ka feejigan yihiin.
Dowlada Itoobiya ayaa cadaadis kala kulmaysa qaar kamid ah wadamada caalamka oo dhaqaalo ku taageero iyo hayโaddo kala duwan kadib markii dowlada shaacisay in mar kale doorashada dalkaasi dib u dhacday.