Mareykanka Oo Ergay u soo diray Yuhuuda Israa’iil iyo Falastiin.

Hady Amr oo ah ergay Mareykanku u soo magacaabay arimaha Falastiin iyo Israa’iil ayaa gaadhay Magaalada Tel Aviv,si uu u qaboojiyo xiisadaha ka taagan Marinka Qasa ee u dhexeeya labada dhinac.

Ergayga iyo saraakiil ka tirsan UN-ka ayaa ka qeybqaadan doona wadahadallo lagu dhexdhexaadinaayo Israel iyo Falastiin oo muddo lix cisho ah ku dagaalamaya Marinka Qasa.

Mas’uulkaasi ka socda Mareykanka waxa uu rajo ka muujiyay in labada dhinac la dhexdhigi doono heshiis xabbad joojin ah.

Subaxnimadii hore ee maanta, miletariga Israa’iil waxay duqeymo cirka ah ka fuliyeen Qaza ,halka fagaalyahanada Falastiin ay iyaguna gantaallo ku rideen Israa’iil.

Illaa 140 qof oo Falastiin ah ayaa lagu diley Gaza ,sideed kalena waxay ka dhintay Israel tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay Isniintii la soo dhaafay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker