Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Gaadhey Gobolka Awdal,Kana Warbixiyey Ujeedada Socdaalkiisa

Wefti uu hogaaminaayo madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa gaadhey magaaladda Borame ee xarunta gobolka Awdal.

Waxa uu socdaalka madaxweyne ku xigeenku salka ku hayaa dardargelinta hawlaha doorashooyinka Somaliland,isaga oo ka qayb qaadan doona wacyigelinta doorashooyinka isku sidkan ee la filaayo in ay dhammaadka bishan dalka ka dhacaan.

Sida uu kusoo waramaayo Weriye Abokor Xasan Caafi,madaxweyna ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa si balaadhan loogu soo dhoweeyey degaanka Goraya Cawl,waxaana halkaas kaga hortegay maamulka gobolka Awdal iyo ka degmada Borame iyo dadweyne kale oo tiro badan, iyada oo madaxweyne ku xigeenka Somaliland shacabka gobolka Awdal kula dardaarmay in ay dadku ka wada qayb qaataan ilaalinta nabadgelyadda iyo la shaqaynta ciidamada amaanka Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu sheegay in shirkii golaha wasiirrada Somaliland layskula qaatay in wufuud kala duwan loo kala diro goboladda Somaliland , si looga wada shaqeeyo doorahooyinka isku sidkan ee Wakiiladda iyo degaanka, waxa uu sidoo kale cadeeyey in uu socdaal ku tegi doono degaanadda kala duwan ee gobolka Awdal.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker