Gudida Wada-Hadalada Dawlada Federaalka Somalia oo Sheegay inay Diyaar U yihiin Wada Xaajood ay La Galaan Somaliland

Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangali) oo ka Tirsan xubnaha Guddigaasi oo Wareysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa tilmaamay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay inay Wadahadal la furto Somaliland.
Jangali ayaa carabka ku dhuftay in tan iyo markii uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu Magacaabay guddiga ay wadeen xog Ururin iyo kulamo Wadatashi ah oo ay la lahaayeen qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in haatan ay sugayaan kaliya dhinaca Somaliland, gaar ahaan guddiga wadahadalladaasi uga qeybgali lahaa.
“Annaga diyaar baan nahay howsheena waa wadnaa howshaas ma ahan howl ku Xidhan maamul kaliya mid joogaya iyo mid aan xafiis joogeyn, waxaa sugeynaa guddigii nala fal geli lahaa ee ka imaanaya Somaliland oo Wada-hadalka nala bilaabi lahaa, wax walba oo jira wada hadal ayaa lagu dhameyn doonaa, dad wada hadla ayaa heshiiya.”ayuu yidhi Mr Jaangali