Dalalka Ku Midoobay G7 Oo Walaac ka Muujiyey Xaaladda Soomaaliya

Dalalka la isku yidhaahdoย  G7 oo shir yeeshay ayaa ka hadlay xaaladaha dalal badan oo ay Soomaaliya ku jirto.

Dalalkan Canada, France, Germany, Italy, Japan, the UK iyo Mareykanka ayaa walaac ka muujiyey xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dagaalladii ka dhashay muddo kordhinta ay sameysteen baarlamaanka iyo Farmaajo iyaga oo sheegay iney saameyn ku yeelatay xaaladda baniiโ€™aadnimo, keentana wiiqidda kalsoonida lagu qabay hoggaanka Soomaalida, khatarna gelisay xasiloonida iyo Mustaqbalka Soomaaliya.

Dalalkan ayaa soo dhoweeyey goโ€™aanka baarlamaanka ee 1-da May ee lagu soo nooleeyey heshiiska doorashada September 17 iyaga oo ku celiyey iney kasoo horjeedaan muddo kordhinta iyo doorashooyin hal dhinac ah ama isbarbar socda.

Qoraalka G7 waxaa lagu booriyey dadaalada Midowga Afrika ee uu ergay gaar ah ugu magacaabayo iyaga oo intaas raaciyey iney taageerayaan.

Waxaa ay G7 ugu baaqdeen hoggaanka Soomaalida iney qaataan masโ€™uuliyadooda, si degdeg ahna ugu laabtaan miiska wada hadalka isla markaana ay galaan wada hadal wax dhisaya, oo keeni kara xal siyasaadeed iyo in la gaaro heshiis wada ogol ah khilaafaadka jira.

Ugu dambeyntii, G7 waxaa ay ku goodiyeen in guuldarro ku tilaamada arrimaha ay soo xuseen ay keeneyso in beesha caalamka ay badasho sida ay ula dhaqanto Soomaaliya.

G7 summit or meeting concept. Row from flags of members of G7 group of seven and list of countries, 3d illustration

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker