Hudheelada Magaalada Laascaanood Oo Laga Mamnuucay In Muusiga Laga Tumo Iyo Sababta?

Maayarka magaaladda Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale, ayaa shaaciyay in aan hudheeladda ku yaala magaaladaasi laga ogalayn in laga Tumo muusiga.

Waxaanu sheegay in cidda ka shida muusig ay ciidanka ammaanku ku amran yihiin in ay gacanta ku soo dhigaan. Waxaanu faray mulkiilayaasha huteelada in ay sidaasi ula socdaan amarkaa aanu soo saarnay”

Geesta kale maayarka Laascaanood waxa uu hadlay curashadda roobka Gu’ga waxaanu bulshada u soo jeediyey inay ka faa’iidaystaan xilli roobaadkan aynu galnay kana guuraan goobaha biyo mareenka ah.

Dhinaca kale Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sool Axmed Gaashaanle Sare C/laahi Cabdi ayaa Sheegay in maadaama la gudo galay ayaamihii adeega Ciida ay Ciidanka boolisku heegan buuxa ku jiraan si , taliyuhu waxa uu sheegay in ciidanku amar ku qabo inay gacanta ku dhigaan cid kasta oo dhibaato ku ah nabadgalyadda.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker