Hoggaamiyaha sare ee Iran Oo Ka Hadlay Codka laga duubay Wasiirka Arrimaha Dibedda dalkas

Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa cambaareeyey wasiirka arrimaha dibedda dalkas, oo wareysi sir ah oo la dusiyey ku sheegay in Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ay saameyn isaga ka badan ku leeyihiin siyaasadda arraimaha dibedda iyo xogta Nukliyeerka.

Wareysiga oo uu baahiyey taleefishin fadhigiisu yahay London oo ku baxa luuqadda Persian-ka ayaa Mohammad Javad Zarif wuxuu ku sheegay inuusan haba yaraatee wax saameyn ah ku laheyn siyaasadda arrimaha dibedda Iran.

Ayatollah Ali Khamenei, oo jeediyey khudbad laga baahiyey taleefishinka ayaan magacaabin Zarif, hase yeeshee wuxuu hadalldiisa ka yiri “Tani waxa aheyd qalad weyn oo ay tahay inuusan sameyn sarkaal ka tirsan Jamhuuriyadda Islaamiga ah.”

“Ma jirto meel dunida ka mid ah oo wasaaradda arrimaha dibedda ay go’aansato siyaasadda dibedda. Waxaa jira saraakiil ka sarreysa oo go’aanada iyo siyaasadaha qaata. Dabcan, wasaaradda arrimaha dibedda way ku lug leedahay.”

Iran ayaa ka xanibtay inay dalka ka baxaan 15 qof oo lagu tuhmayo inay ku lug leeyihiin codka la dusiyey oo ay mas’uuliyiintu sheegeen in loogu talo-gala diiwaanka dowladda balse aysan aheyn in la baahiyo.

Zarif ayaa wareysiga kaga ashtakooday heerka saameynta uu siyaasadda dibedda ku lahaa hoggaamiyihii la dilay ee ciidamada Qudus ee Kacaanka Islaamiga, Qassem Soleimani.

Cajaladda maqalka ah oo muddo saddex saac socotay ee laga duubay Mohammad Javad Zarif, ayaa Iran ka dhalisay dood kulul ka hor doorashada madaxtinimada iyo xilli ay Iran wadahadallo lagu soo nooleynayo heshiiskii nukliyeerka magaalada Vienna kula leedahay quwadaha dunida.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker