Dad Somali Ah Oo Baasabooro Kale Sitay Oo Ku Geeriyooday Diyaaradii Dhacday Ee Itoobiya

Waxaa la sheegayaa in tirada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhimatay shilkii diyaarada Ethiopian Airlines ee saaka ku burburtay duleedka magaalada Addis Ababa ay sii  korodhay.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ay diyaarada saarnaayeen rakaab asalkoodu yahay Soomaali balse ku safrayay baasabooro ajaanib ah.

 

Inta la xaqiijiyay ayaa waxa ay haatan gaadhayaan afar qof  kuwaasoo haystay baasaboorada dalalka Canada iyo Maraykanka.

 

Hooyo lagu magacaabi jirey Sahro Xasan iyo wiilkeeda Nasrudiin Cabdulqadir iyo Cabdi Diinle oo ku safrayay baasabooro ajaaniib ah.

 

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa dadka ku dhintey shilka Cabdishakuur Maxamed Cabdulle oo ka mid ahaa shaqaalaha Baratakoolka xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre.

 

Diyaarada ku burburtay dalka Ethiopia ayaa waxaa ku dhintey inkabadan boqol iyo konton ruux,mana jirto cid ka badbaaday shilkan diyaaradeed.

Marxuum Cabdishakuur Maxamed Cabdulle

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker