Puntland oo dhibsatay warar ku saabsan hubka ay soo iibsadeen oo la kashifay.

Mas’uuliyiin katirsan Madaxtooyada Puntland kuwaas oo si dhaw ula shaqeeya madaxweynaha maamulkas Saciid Cabdullahi Deni ayaa wada qorshe cusub kadib markii la ogaaday iney hub farabadan iibsadeen.

Saddex kamid ah kuwa sida gaarka ah ugu qaabilsan dhinaca Hubka iyo rasaasta madaxtooyada Puntland ayaa dhaqaale badan ku bixinaya in aan la ogaan hub faraa badan oo ay iibsadeen kaas oo faafintiisa ay si weyn dhibsadeen.

Xasan Shire Abgaal (Wasiirka Maaliyada), Xasan Cabdullahi Deni oo la dhashay Saciid Deni iyo Cali-Siciid Cabdulqaadir Jaamac (Saciid-Faadi) Mareeya Dekadda Garacad ayaa lacag badan u ballan qaaday in warbaahinta lagu qoray Wararka arimaha Hubka iyagoo warbaahino dhowr u ballan qaaday lacag hadii ay warar fiican oo lagu dabooli karo Arimahaas ka faafiyaan Puntland.

Xasan Shire Abgaal, iyo Saciid Faadi ayaa lacag badan u ballan qaaday dhowr website oo wax ka qoray Arimaha Hubka, xidhiidhka Imiraadka iyo wada shaqaynta Xukuumada Deni & kooxaha mucaaradka Muqdisho gaar ahaan DamulJadiid.

Shaqsiyadkan ayaa sidoo kale doonaya in warbaahinta ay baahiso inuusan jirin xidhiidh gooni ah oo kala dhaxeeya Puntland iyo dawladda Imaaradka Carabta.

Dhanka kale waxaa jira in ay la aamusiyey dhamaan warbaahinada gudaha Puntland ku yaala ee sheega ama qora warar sax ah oo la xidhiidha dhaliilaha maamulka Puntland.

Dhowr wariye, xarumo warbaahineed, iyo Baraha bulshada ayaa lagu xidhay magaalada Garoowe sababo la xidhiidha warar ay faafiyeen oo madxtooyada Puntland ay dhibsatay.

Mudane Saciid Cabdullahi Deni ayaa dhowaan Baarlamaanka Puntland markuu warbixinta safarkiisii Muqdisho siinaayey u diiday warbaahinta iyo saxaafadda madax banaan inay tabiyaan dooda baarlamaanka.

Madaxweynaha Puntland oo in muddo ah ku noolaa waddamada Khaliijka waxaa ka muuqda dhaqanka laga yaqaan dalalkaas Sida ficilada amar ku taagleynta, cabbudhinta, cagajugleynta, iyo in shaqsiyaadka kaliya ee la aaminsanyahay yihiin ehelka iyo qaraabada dhow ee madaxweynaha Puntland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker