Warshad Kiimiko Oo Ku Qaraxday Dalka Shiinaha

Warshad kiimiko oo ku qaraxday dalka Shiinaha ayaa dishay ugu yaraan 44 Qof, waxaana ku dhaawacmay 90 Qof oo kale, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda.

 

Qaraxa ayaa ka dhacay shirkadda kiimikada samaysa ee Tianjiayi oo ku taalla magaalada Yancheng ee dalka Shiinaha.

 

Qaraxan ayaa dabo socday dab ka kacay warshadan oo samaysa waxyaabaha bacriminta loo adeegsado.
Waaxda dhulgariirka qaabilsan ee dalka Shiinaha ayaa ku warrantay in dhulku uu gariiray 2.2 marka uu qaraxu dhacay.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker