Wasiir Ka Deyriyay Xaaladda Magaalooyinka Ee Soo Buux Dhaafiyeen Qashinka , Eedeymo Usoo Jeediyey Masuuliyiinta Dawladaha Hoose

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland, Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) ayaa Dawladaha hoose ee Dalka ku canaantay qashinka Magaalooyinka dhex daadsan, kaasi oo si weyn u muuqda xilliyada Roobabku da’aan. Wasiir Saajin oo maanta Hadal ka jeediyey Munaasibad ku saabsanayd Deegaanka oo lagu qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in Qashinku  uu Magaalooyinka fasahaadiyey, laakiin nasiib-darradu tahay inaan Dawladaha hoose rumaysnayn inay waajibaadkooda tahay inay hagaajiyaan.

 

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Meelaha Qashinku aadka u yaallaa waa Magaalooyinka, waa masuuliyaddii Dawladaha hoose ee aynu ku garab gallo, laakiin inay masuuliyaddoodii tahayba uma haystaan, Magaalooyinkii way dhinteen.”

 

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Dadku daadiyaan waxyaabaha ay isticmaalaan marka ay hawlahooda ka dhamaystaan “Wax Alaale iyo wixii aynu isticmaalnay waalla daadiyey, Magaalooyinka way dhinteen ee hala sifeeyo.” ayuu yidhim, waxaanu intaa ku daray “Cid kastaa Masuuliyaddeeda ka qaadato, Dawladdu Masuuliyaddeeda ha qaadato, Dadkuna Masuuliyaddooda ha qaato.”

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker