Maraykanka oo dib u billaabay kaalmadii uu siin jiray Falastiiniyiinta

Dowladda Mareykanka ayaa Arbacadii shalay aheyd sheegtay inay dib u biilaabeyso kaalmadii dhaqaale ee ay siin jirtay dadka reer Falastiin, iyadoo ku dhawaaqday 235 Milyan oo dollar oo iskugu jira taageero bini’aadanimo, dhaqaale iyo horumarineed.

Mareykanku wuxuu sheegay inuu ka noqday go’ankii maamulkii Donald Trump ee taageerada dhaqaale looga jaray Falastiin.

Inta badan dhaqaalahan ayaa Maraykanku marsiin doonaa hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Gargaarka Xaqootiga Falastiin ee UNRWA, taas oo lagu wareejin doono 150 milyan oo dollar, halka 75 milyan oo kale uu mareykanku ku maalgalin doono mashaariicda horumarinta dhaqaaha Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker