Goob uu Ka Qudbadaynayay Madaxweynaha Wadanka Venezuela oo La Weeraray.

 

Dayaarad ama dayarado nooca drones-ka loo yaqaan ee aan duuliyaha la socon, ayaa weeraray goob uu ka jeedinayay qudbad Tv-ga si toos ah looga sii daynayay madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro, gudaha magaalada Caracas Sabtidii, waxana la sheegaya in aysan wax dhaawac ah madaxweynaha soo gaadhin.

Muuqaallo TV-yada laga sii daayay ayaa muujinaya Maduro iyo dad kale oo agtaagnaa oo argagax galay, kadib markii la maqlay qaraxyo. Wax yar kadibna, waxa la arkayay askarta oo ka kala ordeysa safafkii ay ku jireen si ay u helaan meel ay ku gabadaan.

Wararkii ugu dambeyay ayaa sheegaya in illaa iyo 7 askari ay goobta ku dhaawacmeen.

Wasiirka warfaafinta dalkaasi ayaa sheegey goor dambe in Maduro uu bad-qabo islamarkasina uu guddoomiyay shirka golaha wasiirada; halka dadkii dhaawacmeyna la daweynayo.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weeraradaasi, waxaase Vanezuala ay waayadanba dhexda uga jirtay xiisado siyasadeed iyo mid dhaqaale.

Xigasho: VOA Somali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker