Madaxda Shiinaha iyo Mareykanka oo is dhaafsaday digniin

Hogaamiyayaasha Maraykanka iyo Shiinaha ayaa midba midka kale uga digay Taiwan, xilli ay ku wada hadleen taleefoon qaatay in ka badan laba saacadood.

Madaxweyne Joe Biden ayaa u sheegay dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping, in Mareykanka uu si adag uga soo horjeedo dhaqdhaqaaq kasta oo hal dhinac ah oo lagu bedelayo maqaamka jasiiradda.

Laakiin waxa uu intaa ku daray in siyaasadda Maraykanka ee Taiwan aanay waxba iska beddelin.

Beijing ayaa sheegtay in Mr Xi uu u sheegay Mr Biden inuu u hogaansamo mabda’a ah in Shiinuhu yahay hal dal, isaga oo uga digay in “qofkii dab ku ciyaara uu ku guban doono”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker