Puntland Oo Sheegtay In Degmada Badhan Ay Tahay Magaalada 4-aad Ee Dakhliga Ugu Badan Uga Soo Xeroodo

Maamul-gobolleedka   Puntland, ayaa sheegay in Degmada Badhan ee bariga Gobolka Sanaag tahay Degmada Afraad ee Dakhliga ugu badan uga soo xeroodo Puntland.

 

Degmada Badhan ee Bariga Gobolka Sanaag ee Somaliland, ayaa waxa Toddobaadkii hore Safar qaatay Saddex Maalmood waxa ku tagay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), waxaanu Xadhigga ka jaray Jaamicadda Maakhir oo ay Maalgelisay Dawladda Kuwait, sidoo kalena wuxuu dhagax-dhigay dhowr Mashruuc oo kale, isagoo sidoo kalena halkaa ku qabtay Shirka Golaha Wasiirrada Puntland, arrintaasi oo ahayd farriin siyaasadeed oo lid ku ah Jamhuuriyadda Somaliland oo Badhan oo ay Dhulkeeda ka mid tahay.

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo ka mid ahaa Weftiga Madaxweynaha Puntland ee tagay Badhan, ayaa markii uu ku laabtay Magaalada Garoowe wuxuu qabtay Shir-jaraa’id oo uu kaga hadlay kaalinta ay Badhan kaga jirto dhaqaalaha Puntland, waxaanu sheegay in Badhan ay noqotay Magaalada Afraad ee ugu dakhli soo-saarka badan Puntland.

 

Wasiir Qarjab waxa kale oo uu sheegay inay Badhan Xafiisyo ku leeyihiin 18 Wasaaraddood oo kuwa Puntland ah “18 Wasaaradood oo Puntland ah ayaa Xafiisyo ku leh degmada Badhan, Qaarkood Xafiisyada ay ku shaqeeyaan way u kiraysan yihiin, isku-duwayaashoodiina way jiraan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Toddobaadkan uu Baanka Puntland Xafiis ka furtay Badhan “Waxa laga furay Laan Bangiga Puntland ku yeelanayo Badhan ayuu Guddoomiyaha Baanka Puntland uu soo furay. Garoonkii diyaaradaha ayaa Diyaaraduhu ka degaan, shaqo xoog lihina ka socotaa.”

 

Wasiirka Warfaafinta Puntland waxa kale oo uu sheegay “Badhan waxay noqotay Magaalada Afraad ee ugu dakhli soo-saarka badan Puntland, marka laga reebo Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacayo, sababta keenaysa in dakhli ka soo xeroodaana waa Mashaariicda ka socota iyo Madaarka diyaaradaha ee la ogolaaday, sida Baanka loogu sameeyayna sidaas ayay ahayd.”ayuu yidhi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker