Nashiido abwaan ismaaciil-mubarik maxamed cali

Salaanta jannada
Bariido sad wayn
Samiyo nabad huwan
Idinku salaanee
Salamun calaykum
Soo dhawaada

Qalbi salimiyo
Suruur iyo farax
Sacaadiyo sharaf
Idinku salaanee
Salamun calaykum
Soo dhawaada

Samo iyo wanaag
Niyad saafiya
Suuban oo bilan
Idinku salaanee
Salamun calaykum

Sabo iyo kulan
Saxar tiran iyo
Sees qurux badan
Idinku salaanee
Salamun calaykum
Soo dhawaada

Sawd iyo eray
Suugaaneed
Sadarkeedii
Idinku salaanee
Salamun calaykum
Soo dhawaada

Salamun calaykum
Soo dhawaada

Salamun calaykum
Soo dhawaada

 

 

 

 abwaan ismaaciil-mubarik maxamed cali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker