Baabiintii Wadamada Islaamka ah ay ku wadeen Reer Galbeedku oo imika Biyo dhigtay Dalka Suudaan

 

Tan iyo kacdoonkii sanadkii 2011 ka billowday waddamada Carabta ee loogu magac daray kacdoonkii Guga Carabta – oo inta badan ka dhacay waddamda Bariga Dhexe iyo kuwa woqooyiga Afrika, gobolkaasi waxaa ka dhacay isbeddel aad u weyn.

Inta badan kacdoonnadaasi kama aysan takhluusin xukunnadii kaligii-talisnimada ku dhisnaa ee ka jiray waddamada carbeed.

Meelaha qaarna, xukunnada noocaasi ah isla markiiba si dhakhso ah ayaa dib loogu soo celiyay, tusaale ahaanna dalka Masar ama sida dalka Suuriya oo si tartiib tartiib ah loo soo celiyay.

 

Balse fowdada iyo dhiig badan ee ku daatay gudaha Suuriya ayaa waxaa loo aaneeyaa faragelinta ay waddamada shisheeye ku hayeen arrimaha dalkaasi.

Sidoo kale, haatan waxaa jirta halis ah in kacdoonka labaad ee ka jira gobolka – gaar ahaan dalka Suudaan – ay sidoo kale si weyn u saameeyaan faragelin shisheeye.

Taasi micnaheedu ma ahan in Suudaan aysan wajihi karin halista kooxaha hubeysan iyo rabsahdaha qabaa’ilka u dhexeeye ee ka jira gudaha dalka Suuriya.

nkasta oo Sacuudigu uu u muuqdo in uu taageerayo janaraallada milatariga ee dalkaasi Suudaan, haddana Turkiga iyo Qadar ayaa si aad ah ugu janjeera dhanka kooxaha Islaamiyiinta ahi ee dalkaasi.

Laakiin xaqiiqadu waxay tahay in waddamadan shisheeye aysan dhammaantood danaynayn dalabka dadka reer Suudaan ee dhigayay dibadabxyada ama xitaa horumarinta dimuquraadiyadda dhab ah oo ka dhaqangasha gudaha dalkaasi. Mid kastaa waxa ay dani ugu jirtaa oo kaliya xasilloonida dalkaasi.

Hase yeeshee, waxa jira ayaa ah laba nooc oo ah kaligii-talisnimo ah oo mid kastaa uu doonayo in taageerayaashiisay ay qabtaan xilal muhiim ah oo ay mustaqbalka ugu faa’iideysan karaan in ay galangal siyaasadeed ku yeeshaan xukuumadda Khartuum. Suudaan ayaa iyaguna dooneysa in ay xoojiso xiriirka siyaasadeed ee kala dhaxeeya waddamada caalamka.

Toban sano ka hor kacdoonkii Carabta, Suudan ayaa Mareykanka waxa uu u arkayay dal maalgeliya argagixisada, waxaana dalkaasi uu inbadan wajahayay xayiraado iyo sidoo kale duqeymo lagu bartilmaameedsanayo goobo cayiman.

Suudaan ayaa loo arkayay in ay xulufo la tahay kooxaha islaamiyiinta ahi iyo dowladda Iiraan. Sucuudiga ayaa sidoo kale Suudaan ku dhiirigeliyay in ay ku biirto isbahaysiga waddamada Sunniga ahi. Sidaa awgeed, ma ahan wax lala yaabo in tiro ka tirsan ciidamada milatariga dalka Suudaan ay Sucuudiga garab ku siiyaan dagaalka uu dhiigga badan ku daatay ee ka socda dalka Yaman.

Balse dhawaan Suudaan waxa ay ballaarisay danaheeda, waxaa jiray waddamo badan oo u heelan soo dhaweynta dalkaasi.

Bishii Maarso ee sanadkii 2018, waddamada Qadar, Turkiga iyo Suudaan ayaa waxa ay kala saxiixdeen heshiis lagu horumarinayo dekadda Suwaakin ee woqooyi bari dalkaasi Suudaan iyo suurtagalnimada in halkaasi ay saldhig ka dhigtaan maraakiib dagaal oo uu Turkigu leeyahay.

Dalka Qadar ayaa xilligaasi ahaa dalkii ugu horreeyay ee madaxweyne Al-Bashiir taageero u muujiyay markii dibadbxyadu ay dib uga billowdeen magaalada Kahartuum bishii Janaayo ee sanadkan. Haddase waxay u muuqataa in Suucuudigu uu doorkaasi la wareegay.

Maqnaanshaha doorka waddamada waaweyn

Xaaladda ayaa mar kastaa waxa ay ku xiran tahay adkeysiga iyo geesinimada dadka dibadbaxyada dhigaya. Balse qaabka ay wax u dhacayaan ayaa si haddii loo eego waxaa uu cashir u yahay dunida oo dhan.

Waddaamda iyo hay’adaha saameynta ku leh arrimaha caalamka ee sida Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa iyaguna door ka ciyaarayay arrimaha dalkaasi. Si haddii loo fiiriyana, arrimahan oo dhan ayaa waxaa sabab u ah xoogaggii gobolka oo ka maqan siyaadadda Suudaan.

SuudaanLahaanshaha sawirkaAFP

Maamaulka madaxweyne Trump ayaa si haddii loo eego waxa uu u muuqdaa in uusan wax dan ah ka lahayn xaaladda dalka Suudaan, waxaana maamulkiisa caadi u noqday dib u gurasho diblomaasiyadeed.

Waxay u muuqataa in Washington aysan dan weyn ka lahayn gobolka, waxaana muuqanaya astaama ah in maamulka madaxweyne Trump uu doonayo in uu aad u yareeyo hawlgallada ciidamadiisa ay ka fuliyaan gudaha gobolka bariga dhexe.

Mareykanka ayaa waxa ay ciidamo wali ka joogaan dalka Suuriya, balse hormuud kama ah dedaallada diblomaasiyadeed ee looga arrinsanayo mustaqbalka dalkaasi.

Dadka falanqeeya arrimaha gobolka ayaa caga jiidka xukuumadda Washington ay ka cagajiidayo arrinta dalka Suudaan u arka fursad uu Mareykanka ka faa’iideysan waayay, taa oo sida ay sheegayaan muhiim u noqon lahayd mustaqbalka siyaasadeed ee dalkaasi.

Dhanka kale, waxaa jira aragti ay qabaan dad badan oo ah in ay adag tahay in madaxweyne Trump uu ka weecdo danaha dalka Sucuudiga oo ay xiriir dhow leeyihiin. Sidaa awgeed, Trump wuxuu ku khasbanaan doonaa in uu taageero danaha uu Sucuudigu ka leeyahay Suudaan.

Sanaddo ka hor, Soomaaliya ayaa sida Suudaan oo kale, waxa ay gunta u gashay muranka u dhaxeeya waddamada Khaliijka, gaar ahaanna Sucuudiga iyo xulafadiisa oo Imaaraadka Carabta ka mid tahay iyo dalka Qadar oo garabsanaya Turkiga.

SuudaanLahaanshaha sawirkaAFP

Bishii Juunyo ee sannadkii 2017 ayaa waxaa dhacay wax aysan dad badan filanynin, taasi oo ahayd in saddex dal oo ka mid ah dalalka ku bahoobay Khaliijka Carabta ay xiriirkii dublamaasiyadeed u jaraan dalka Qadar oo aad ugu dhawaa dowladda Soomaaliya.

Dalalka Sucuudiga, Imaaraatka Carabta iyo Baxrayn ayaa xiriirka diblamaasiyadeed u jaray dalka Qadar oo ka mid ah dalalka saliidda hodanka ku ah, waxayna ku eedeeyeen in Qadar ay taageerto kooxaha argagixisada.

Soomaliya ayaa qaadatay go’an ah inay dhexdhexaad ka tahay muranka labada dhinac, balse Imaaraadka ayaa u arkayay dowladda inay u janjeerto dhinaca Qadar oo Turkiga uu taagersan yahay.

suudaanLahaanshaha sawirkaMADAXTOOYADA SOOMAALIYA

Bartamihii April ee sanadkii 2018, Soomaaliya iyo Iimaaraadka waxay joojiyeen iskaashigii milateri. Tani waxay timid ka dib markii ciidanka ammaanka ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen ku dhawaad $10 malyan oo Iimaaraadku dayaarad ku keenay si loo siiyo askarta, waxaana muddo gaaban la xayiray dayaaraddii lacagtaas keentay. Iimaaraadku wuxuu kaloo xiray isbitaal bixin jiray adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah.

Murankii u dhaxeeyay waddamada Carbeed waxa uu saameyn weyn ku yeeshay Soomaaliya, oo waxaa dhacday in inta badan maamul goboleedyada ay la saftaan dowladda Imaaraadka Carabta oo ay geeska geliyaan dowladda federaalka oo dad badani u arkayeen in ay u janjeerto dhanka Qadar iyo Turkiga.

 

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker