Koonfur Afrika oo ka raalli gelisay Nigeria weerarada ajaanib naceybka

Koonfur Afrika ayaa dowladda Nigeria ka raalli gelisay dhibaatooyinka soo gaaray muwaadininteeda xilli dalkaas ay ka dhaceen qulqulatooyin lagu beegsaday dadka ajaanibta ah.

Ergeyga gaarka ah ee madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa u sheegay madaxwenye Muhammadu Buhari in Koonfur Afrika ay ka xun tahay dhibaatooyinka lagu beegsaday ajaanibta isla markaasna ay tallaabo ka qaadeyso dadkii ka dambeeyay dhibaatooyinka ka dhacay South Africa.

Ergeyga waxaa uu sheegay in 10 qof ay ku dhinteen rabshadihii uga dambeeyay ee ka dhacay Koonfur Afrika.

Madaxweynaha Nigeria waxaa uu dhankiisa sheegay in sababta ergeyga uu usoo booqday ay tahay inuu sharraxaad ka bixiyo qalalaasihii dhawaan lagu bartilmaameedsaday ajaaniibta ku sugan Koonfur Afrika.

Waxaana dhac loo geeystay dukaamo ay leeyihiin ganacsato ajaaniib ah halka dab la qabadsiiyay dhismooyin dhowr ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker