Qaramada Midoobay oo War cuusb ka soo saartay Xidhiidhka DF Somalia kaddib cayrintii HAYSOM
Muqdisho (OWN) – Sarkaal sare oo ka tirsan QM ayaa niyad-wanaag ka muujisay Xidhiidhka siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee u dhaxeeya QM iyo dowladda Soomaaliya, lix bilood kadib markii Soomaaaliya ay Caydhisay Ergeygii QM, Nicholas Haysom.
Kaaliyaha xoghayaha guud ee QM ee Afrika, Bintou Keita ayaa hadalkan jeedisay kadib markii ay Qaramada Midoobay soo geba gebeysay safar shan maalmood qaatay oo ay ku tagtay Soomaaliya, kaasi oo ujeedadiisa ahayd in dib caadi loogu Soo Celiyo Xidhiidhkii Labda dhinac.
Keita ayaa sheegtay in wada-hadalladii ay la yeelatay madaxda Soomaalida diiradda lagu saaray hanaanka siyaasadda iyo ka dhaqaale ee dalka, iyo Xidhiidhka QM iyo Soomaaliya.
“Waxaan ka wada-hadalnay maamulka siyaasadda, aas-aaska nidaamka federaalka, iyo sidoo kale xaaladda dhaqaale ee dalka” ayuu Keita ku tidhi bayaan uu soo saaray Xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM.
Safarkeeda ayaa yimid dhowr toddobaad un kadib markii QM ay ergey cusub usoo magacowday Soomaaliya, kaasi oo ah James Swan oo u dhashay dalka Mareykanka, kadib lix bilood oo dalka uusan u joogin ergey.
Xidhiidhka labada dhinac ayaa xummaaday kadib markii Soomaaliya ay bishii Janaayo ee sanadkan soo cayrisay eregygii QM, Nicholas Haysom, oo ay ku eedeysay inuu faro-gelin ku sameeyey arrimaha gudaha ee dalka.