Wasiir Dubbe oo ka hadlay Shirka uu ku baaqay Madaxweye Farmaajo,& isagoo u jawaabay Kenya

Wasiirka Warfafaanta Cusmaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdishu ayaa sheegay in halista cudurka COVID-19 ay weli jirto, waxaana uu ku baaqay in dadku ay qaataan af-xidh, islamarkaana ay kala fogaadaan. Waxa uu sidoo kale sheegay in loo hoggaansamo talooyinka bahda caafimaadka.

Wasiirka ayaa dhanka kale ka hadlay shirka uu ku baaqay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ay ku wada hadlayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa gobollada. Waxa uu tilmaamay in shirkaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah lagu qaban doono xarunta Afisyoone.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku kalsoontahay go’aanada ka soo baxa maxkamadda Caddaaladda Adduunka, isla markaana ay ka dhowrayaan natiijada ka soo baxaysa, waxaana uu wax lagu xumaado ku tilmaamay qoraal ka soo baxay Kenya oo baalsan hannaanka diblomaasiyadda.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker