Muwaadin Soomaali ah oo loo magacaabay Xilkii Kornel Gabra uu ka hayay IGAD

Nuur Maxamed Sheekh ayaa waxaa si rasmi ahaan loogu magacaabay La-taliyaha Sare ee Xoghayaha Guud ee Urur-gobaleedka IGAD ee Arrimaha Siyaasadda ee dalka Koonfurta Suudaan.

 

Muwaadinkaasi waxa uu La-taliye dhinaca Samafalka Aadminimadda haatan ka ahaa Urur-gobaleedka IGAD, wuxuuna horey uga soo shaqeeyey Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York, isagoo markii dambe u soo wareegay Dhismaha QM ee magaalladda New York.

 

Nuur Maxamed Sheekh oo ah Soomaali haysta dhalashadda dalka Britain, kana soo jeeda magaalladda Baraawe oo la hadlay Radio Dalsan waxa uu sheegay inuu bishan July 2-dii Tartan u galay Xilka cusub ee La-taliyaha Xoghayaha Guud ee IGAD ee Arrimaha Siyaasadda dalka Koonfurta Suudaan, isla markaana uu Kaalinta Koowaad ka galay dadkii imtixaanka u galay Xilkaasi.

 

“Markii uu Kolonel Gabre ka tagay IGAD, waxaa la soo bandhigay inuu Xilkaasi bannaan yahay, kadibna, waxaan Imtixaan la galay Tartamayaal ka kala socday dalalka xubnaha ka ah IGAD. Waxaa Wareysi la ila yeeshay bishii July 2-dii, Waxaana noqday qofkii ugu sarreeyey Tartamayaashii kale ee doonaysay Xilkaasi” ayuu ku yiri.

 

Nuur Shekh ayaa ayaa ku guuleystay Xilka La-taliyaha Sare ee Arrimaha Siyaasadda Koonfurta Suudaan ee Xoghayaha Guud ee IGAD, Maxbuub Maalin kadib tartan furan.

 

Hawsha La-taliyaha waxay doorkiisa noqonaysa La-talinta Ergayga IGAD EE Koonfurta Suudaan ee horumarinta dhinaca Siyaasadda ee dalkaasi iyo guud ahaan Gobalka iyo inuu dhamaan qeybaha ay khuseyso Arrimaha Koonfurta kala shaqeeyo sidii loo hubin lahaa inay si hagaagsan u socdaan Geeddi-socodka taageeradda ka geysanaya hirgelinta Natiijadda soo baxa iyo Heshiiska socda ee dalkaasi.

Nuur Maxamed Sheekh

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker