Wiilkii Afghanistan ee Afarta Maalmood ceelka ku jiray Oo Geeriyooday

Zabihullah Johar, oo ah afhayeenka booliska gobolka Zabul ayaa Warbaahinta u sheegay  “Wiilka wuu neefsanayay daqiiqadihii hore markii lasoo badbaadiyay, kooxda caafimaadkuna waxay ku xidheen hawada oxygen-ta, balse markii loo qaaday dhinaca diyaaradda helicopter-ka ah wuu geeriyooday.”

Waaxda warfaafinta iyo dhaqanka ee dowlad goboleedka Zabul ayaa laanta BBC Pashto u sheegtay in wiilka yar, oo lagu magacaabayay Xaydar, uu ceelka ku dhacay Talaadadii xilli uu ku lugeynayay wado ag marta halkaas oo ku taalla Tuulada Shokak.

Markii ugu horreysay way sahlaneyd in laga soo saaro ceelka oo 25 mitir ah, balse xaaladda ayaa faraha ka baxday kaddib markii ay dadka deegaanka isku dayeen inay soo bixiyaan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker