Dr. Gaboose oo ka hadlay madal kulmisay siyaasiyin iyo madax-dhaqameed badan

Dr. Gaboose oo madal kulmisay siyaasiyin iyo madax-dhaqameed badan ka hadlayay ayaa yidhi .

” Qofkii Ilaahay saaro meesha (Kursiga madaxweynaha ) ciduu doono ha ahaadee , ama Muuse Carre ha noqdo ama cid kale ha noqdee ,waxaan ilaahay uga baryayaa inuu Ilaahay nooga dhigo mid umadda deeqa , mid cadaaladda deeqa , mid aan ina kala firdhin , midaan bakhayl ahayn , midaan cuqdadays-nayn inuu ilaahay inooga dhigo.

“Caaqil Jaambiir iyo Suldaan Caddo-gude oo aan uurka wax ugu hayayna maantaan saamaxay , mar hadii aynu is cafinaynaa madaxweynaha dalkana (Muuse Biixi ) dee isna aynu cafino , qofaan gafin majiree , bishan Shacbaan awgeed “.

Hadalka Dr. Gaboose ayaa yimi kadib markii hadalo kaftan duur xula oo dhanka kursiga madaxweynaha goobta isku weydaarsadeen madax dhaqameed iyo siyaasiyin ay isku deegaan ka soo jeedaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker