Xukuumadda Somaliland Oo Heegan Galisay Guud Ahaan Ciidamada Kala Duwan Ee Qaranka

Dawladda Somaliland ayaa heegan culus galisay dhamaan ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland arimo la xidhiidha doorashada isku sidkan ee Wakiilada iyo Deegaanka oo saddex cisho kadib Guud ahaan dalka ka qabsoomaysa.

Saraakiisha Ciidamada Qaranka ee Booliiska, asluubta, militariga iyo badda ayaa shir jaraa’id oo ay Shalay ku qabteen magalaada Hargeysa waxa ay sheegeen in arimo la xidhiidha Qabsoomidda Doorashada, heegan lagaliyay dhamaan Ciidamada kala duwan ee Qaranka waxaana ay sheegeen inay ciidanku, noocay doonaanba ha noqdaan, ay ku amran yihiin inay gacan birleh ku qabtaan cid kasta oo iskudayda inay carqaladayso Qabsoomidda doorashada, waxa kale oo ay bulshada ugu baaqeen inay la shaqeeyaan Ciidamada.

Hadalka saraakiisha ciidanka ayaa waxa ka mid ahaa “Dhamaan Ciidamada Qaranka Somaliland laamihiisa kala duwan, haddii ay asluub tahay, haddii ay booliis tahay, haddii ay Ciidanka laanta socdaalka tahay “Immigrtion”, iyo haddii ay ciidanka badda tahayba, Dhamaan ciidamadu waxay ku amran yihiin, dalka gudihiisa iyo dabadiisaba, inay difaaciisa heegan u noqdaan,waxaanay si deg deg ah talaabo uga qaadayaan wixii sharciga ka hor yimaada”

Iyagoo hadalkooda sii wata ayaa waxa ay umadda u soo jeediyeen “Umadda reer Somaliland waxaanu uga digaynaa, kuna wargalinaynaa, Maanta waa 26-kii Bisha May, waxa saddex cisho inaga xiga qabsoomidda doorashadda isku sidkan, oo dalka oo dhan ka dhacaysa, arintaasi waad dareemi karaysaan culayskeeda, waxaanu ka digaynaa haddaanu dhamaan ciidamada amniga nahay, in shuruucda loo hogaansamo, in la ilaaliyo amniga, haddii ay tahay musharax tartamaya, iyo haddii ay tahay muwaadin codaynaya, iyo haddii ay tahay dhamaan umadda kale ee taageerayaasha ah, in la ilaaliyo shuruucda, loona hogaansamo”.

Sidoo waxa hadalkooda ka mid ahaa “Waxaanu umadda u sheegaynaa, in hawshaasi wayn ee mustaqbalkii u maddeena ah in dhamaan laga wada qayb qaato, iyadoo la ilaalinayo amniga, Ciidamadu waxay hiigan u yihiin dhamaantood, iyo qaybaha ay kala yihiin, ninba meesha kaga aadan, dablay iyo sarkaal, waxay heegan u yihiin amniga dalka inay sugaan, guud ahaan mar walba, gaar ahaan maalmahan doorashadu dhacayso ee inagu soo aadan”.

Ugu dambayn waxa ay bulshada u soo jeediyeen “Waxaynu ka baxnay imtixaankii, caalamkii oo dhan ayaa ina eegaya maanta sidaynu uga bixi lahayn imtixaankan ugu dambeeya oo uu ku xidhan yahay ictiraafkeenii, sidaa dartee, waxaan umadda Reer Somaliland yar iyo weynba ka codsanayaa, qof kastaa meel kasta oo uu joogo, inuu u diyaar garoobo sidii uu uga qayb qaadan lahaa doorashada, islamarkaana sidii uu iskaga xilsaari lahaa nabadgalyo inay doorashadu inoogu dhacdo, iyadoo qof waliba halkiisa iskaga xil saarayo. Waxaanu ku adkaynaynaa umaddayada aanu jecelnahay ee wadankeeda jecel ee wanaagsan ee nala shaqaysa ee amniga nala sugta inay u diyaar garoobaan sidii nabadgalyo ay inoogu dhici lahayd doorashadaasi”. Ayuu yidhi isaga oo arrintaasi heeganka ciidanka ka hadlaya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker