Xulka Ajax oo Hanatay Horyaalka Dalka Holland

Kooxda Ajax Amsterdam ayaa xalay ku guuleysatay horyaalka dalka Holland, kaddib marki ciyaarteedi ugu danbeysay xilli ciyaareedkan ay ku soo xirtay 4-1 oo ay ku garaacday De Graafschap.
Waxay koobka uga guulesteen kooxda kusoo xigtay ee PSV Eindhoven oo ay ka sarreeyeen saddex dhibcood. PSV, waxay Arbacadi 3-1 ugu awood sheegatay Heracles Almelo.

Waa marki ugu horreysay oo ay Ajax ku guuleysaneyso horyaalka tan iyo sannadki 2014, waana markeedii 34-aad ee ay qaadeyso horyaalka dalka Holland.

Ciyaarteedii Arbacadi shalay, Ajax goolasha ay ku badisay labo ka mida waxaa u dhaliyay Dusan Tadic, iyadoo ay ciyaartooyda iyo taageerayaasha ay sagootiyeen laacibka khadka dhexe Frenkie de Jong oo ku wajahan kooxda Barcelona.

Facebook Forum

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker