Mucjiso:-Dal Kiristan ah Oo Mamnuucay Cabista Khamriga Iyo Dal Muslim ah Oo Fasaxay

Layaabka aduunku ma aha wax la qariibsado, waxana ay waayahu bixdix iyo midig isku dhaafinayaan, dad, dalal iyo duunyo labo cidhif oo kala fog kala joogay.

 

 

Dhacdan u dambaysay ee xiisaha iyo la yaabka leh ayaa ah  mid la xidhiidha cabida khamriga oo dalal Kiristaan ahaa ay mamnuuceen, halka isla cabitaanka khamradana  ay dalal muslim ahi fasaxeen dhawaan.

 

 

 

Dalka South Africa ayaa ku dhawaaqay in la soo saaray xeer mammuucaya cabitaanka Khamriga, sida uu shaaciyay madaxwaynaha wadankaas Cyril Ramaphosa waqti uu khudbad sanadle ah u jeediyay dadka dalkiisa.

 

 

 

Madaxwayne Cyril Ramaphosa ayaa iibka iyo cabitaanka Khamrada dusha u saaray masuuliyada faafida Covid-19 oo dalkaas ku laba kacleeyay, waxana uu xusay in khamradu ay sababtay mushkilad aan la iska indho-tiri karin oo qayb ka ah faafida coronavirus, iyo kor u kaca heerka faldambiyeedyada dalkaas ee ay ka mid yihiin, dilka kufsiga, dhaca, isku soo baxyada aan sharciga ahayn iyo fool xumooyin kale oo nolosha dalkaas cidhiidhi ka dhigay.

 

 

 

Dhinaca kale dalka Sudan mudo ku siman 30 sano oo dalkaas lagu dhaqayay Shareecada Islaamka ayaa nidaamka cusub ee ka hana qaaday dalkaasi, waxa uu wax ka badal ku sameeyay sharciga, waxana uu u fasaxay inay dalkaas gudahiisa khamrada ku cabi karaan dadka aan muslimka ahayn ee dalkaasi ku dhex nool.

 

 

 

“Sudan waa in ay meesha ka saarta xeerarka xad gudubka ku ah xuquuqda aadamaha” ayuu yidhi Wasiirka Cadaalada ee dalkaasi oo shaacinayay in cabitaanka khamriga la fasaxay gudaha dalkaasi Sudan.

 

 

 

Si kastaba ha ahaatee, Sudan waa dal muslim ah dalkeedana waxa wax ka badan 1400 oo sano ay u hogaansanaayeen shareecada Islaamka ee mamnuucaysay Khamriga, waxase tan badalay in maanta dimuquraadiyadu ay fasaxday, halka dalka Koonfurta Africa oo wax ka badan 1400 oo sano ay dadkiisa dhaqan u lahaayeen cabitaanka Khamrada, maantase uu garawsaday waxyeeladeeda uu Islaamku aqoonsaday 1400 oo sano ka hor, kuna dhawaaqay madaxwayneheedu in uu mamnuucay ka ganacsigiida.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker