Maxkamada Caalamiga ah ICJ Oo Mudaysay Waqtiga Dib Loo Furayo Dacwada Badda Ee Somaliya iyo Kenya

Maxkamada Cadaalada Adduunka Mageceeda Loo soo gaabiyo ICJ ee fadhigeedu yahay dalka Holland ayaa shaacisay xiliga mar kale la dhageesanayo Dacwada badda ee u dhaxeysa Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

 

War Qoraal ah oo kasoo baxay Maxkamada ICJ ayaa lagu sheegay in 9-September ee sanadkan 2019 ay bilaaban doonto dhageysa Dacwada Badda Soomaaliya iyo Kenya iyadoona dhamaan doonto 13-ka September ee isla sanadkan 2019-ka.

 

Dowlada Soomaaliya ayaa geysay Maxkamada Caalamiga ee ICJ dacwada badda ee kala dhaxeysa Dowlada Kenya, waxaana Xukuumada Nairobi dadaal badan ku bixisay in Soomaaliya ka laabato kiiska dacwada badda si muranka loogu xaliyo wadahadal.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa hada waxaa ka dhax aloosan Xiisad siyaasad oo ka dhashay dacwada badda ee taala Maxkamada caalamiga, waxa ayna Kenya cadaadis badan saartay Soomaaliya si damaceeda loo fuliyo balse taasi aysan wali ku guuleesan.

Halkan ka Akhriso Qoraalka Maxkamada Caalamiga ee ICJ

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker