Mareykanka Oo Walaac Ka Muujiyey Xilka Qaadistii RW Kheyre

afaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ka hadashay Go’aankii kalsoonida ay Xildhibaanada Golaha Shacabka ugala noqdeen Ra’iisul Wasaarihii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareyknaka ayaa waxaa lagu sheegay in Go’aankii kalsooni kala noqoshada Ra’iisul Wasaare Kheyre ay aad uga xun tahay, islamarkaana arrintaas ay koreedi korto amni darro iyo qalqal ku yimaada arrimaha siyaasada dalka.

Sidoo kale Qoraalka Safaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in habraac qalan loo maray xilka qaadis Kheyre, taasina ay dib u dhac u keeni karto taageerada dowladda Mareykanka ay siiso dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Safaarada maraykanka waxa ay sii wadaysaa inay gacan ka geysato sidii doorasho federal ah oo waqtigeeda ku dhacda kana timaada wadatashi iyo wadahadalo wax ku ool ah oo lala yeesho dhammaan saamileyda.” Ayaa lagu yiri Qoraalka Safaaradda.

Mareykanka ayaa shaaciyay inuu sii wadayo taageerada uu ka geysanayo sidii doorasho dalka Soomaaliya ay ugu dhici laheyd waqtigii loogu tala-galay, taasina ay ku timaado wadatashi iyo wadahadalo ay yeeshaan saamileyda siyaasadeed ee dalka.

“Safaarada maraykanka waxa ay sii wadaysaa inay gacan ka geysato sidii doorasho federal ah oo waqtigeeda ku dhacda kana timaada wadatashi iyo wadahadalo wax ku ool ah oo lala yeesho dhammaan saamileyda” ayaa la sii raacsiiyay hadalka Qoraalka Safaaradda Mareykanka.

Ugu dambeyn Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka ka jira iyo Golaha Shacabka ugu baaqday inay fuliyaan heshiisyadii bilowga ahaa ee lagu gaaray Shirkii Magaalada Dhuusamareeb.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker