Xuutiyiinta Yemen Oo Madax furasho Ka Qaata Soomaalida U Tahriibaysa Sacuudiga
Hayโadda Burgen oo ka howlgasha wadamo badan gaar ahaan kuwa faqriga ay la dageen ayaa sheegtay in Maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yemen ay sameenayaan Talaabooyin ay ku xidhaan Soomaalida doonaysa inay uga sii gudbaan Yemen dalka Scuudiga.
Xarumaha sirta ah ee xabsiga u ah Xuutiyiinta waxaa ku jira Soomaali badan sida ay hayโadda sheegtay kuwaasi oo dhibaato kala kulmaya kooxdaan dagaalka kala soo horjeeda dowladda Sharciga ee Yemen.
Burgen waxa ay tilmaamtay in Soomaalida lagu xidho inay bixiyaan lacago madax furasho si ay u gaadhan dalka Sacuudiga.
Socdaalka safar ee dhinaca Waqooyi ee Yemen ayaa ah mid aad u adag marka ay qorshayaashaasi ay diyaarinayaan kuwa dadka ka tahriibiya Yemen si ay u geeyaan dadka soodinta Sacuudiga ee Yemen uu la wadaago.
Tahriibayaasha Soomaalida iyo kuwa kasoo jeeda Ethiopia ayaa ah kuwa ugu badan ee bada cas uga gudba Yemen iyagoo gaaDhaya Dhinaca degaanda waqooyi oo Xuutiyiinta gacanta ku hayaan halkaas ay doonayaan inay Sacuudiga kaga sii gudbaan.
Soomaali badan ay ku adkaatay inay ka safraan dhinaca waqooyi ayaa lacago ku bixiya sidii Koofurta ay u gaadhi lahaayeen markaasi oo si lamid ah laga qaadayo lacago badan.