Maxaad Kala Socotaa Xogta Buugga Waayeel Iyo Waano QAYBTII 2AAD

Noocyada Dirirta:

Colaaddu waa seddex:
1. Cudud-adeegsi.
2. Carrab-adeegsi.
3. Caqli- adeegsi.

Waxa kale oo la odhan karaa colaaddu waxa ay u kala baxdaa: ili-qabatay, dhegiqabatay iyo dhugi-qabatay. Seddexda noocba nabadda waa u halis.

Caqli-Adeegsi

Dirirta jaadkan ahi ma laha astaamo si buuxa loogu garankaro. Dagaalka afka cod ahaan baad u dareemaysaa inuu colaad yahay, ka cududdana muuq ahaan baad u arkaysaa inuu dagaal yahay. Haddaan si kale u nidhaahno dirirta afku dhawaaq ahaan bay kuu damqaysaa, dagaalka muruquna ficil ahaan buu kuu xanuujinayaa, laakiin Caqli-ku-dirirka cod ahaan iyo muuq ahaan midna uma dareemaysid. Caqli ku-dirirku waa nidaam sir u ah cidda rabta inay adeegsato, isla markaana ka dahsoon cidda lagu waxyeelaynayo.

Habkan waxa si qarsoodi ah weerar loogu qaadaa taliska qofka (maskaxda) iyada oo la mulkiyayo fikirka qofka. Ka dibna waxa loo jiheeyaa hadba meesha la rabo. Cidda caqli-ku-dirirka ahi uma baahna inay gacan iyo aftoona ku dagaallanto. Dagaalka noocan ah maqal iyo aragti midna laguma ogaado, waa se dhugi-qabatay lagu dareemi karo oo keliya garasho xeeldheer. Dirirta jaadkan ahi mararka qaarkood iyadaa ka khatarsan dagaalka afka iyo ka cududdaba, waayo waxa si sahal ah loogula wareegi karaa maalka iyo maskaxda qofka intaba, iyada oo aan wax
dhibaato ah lala kulmin. Waxa dhicikarta in si hawl yar laguugu qanciyo doorashada wadka iyo khaarajinta naftaada ama hoogga noloshaada.

Haddaba waxa la odhan karaa Soomaalidii hore seddexdan nooc ee dagaalka ah labo ka mid ah bay adeegsan jirtay (Cududda iyo Carrabka). Dagaalka caqli-adeegsiga ah Soomaalidu ma isticmaali jirin, welina ma taqaan. Waxa se la odhankaraa dagaalka caqli-adeegsigu waa ka ugu xun ee maanta Soomaali ku socda laguna dilo naf iyo maalba, laguna aafeeyay in badan iyada oo aan dareensanayn.

 

LA SOCO
Waxaad ka helikartaa buugga
1. Xarunta buugaagta ee Hema
2. Xarunta buugaagta ee Universal
3. Xarunta buugaagta ee Alxusayni
4. Xarunta buugaagta ee Redsea
5. Xarunta buugaagta ee Personal Computer

 

FAAHFAAHINTA: maale2200@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker