Dawladda Itoobiya Oo Ka Wareegtay Maalgashigii Dekedda Berbera , Heshiish Cusubna La Saxeexatay Dawlada Jabuuti

Dawladdaha Itoobiya iyo Jabuuti ayaa kala saxeexday heshiis ku saabsan dhoofka shiidaalka, waxaana heshiiskan oo ay Qalinka ugu kala duugeen Labada Dawladood Wasiirul Dawlaha Macdanta iyo shiidaalka ee Itoobiya  Koang Tutlam iyo wasiirka tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah ee ah jabuuti Yonis Ali Guedi, waxa uu dhaqan geli doonaa marka la gaadho sanadka 2021.

 

Dekedaha ku yaala Dalka Jabuuti   ayaa laga dhoofin doonaa heshiiskaasi oo loo iib gayn doono caalamka.

 

waxa la rakibayaa dhuumo shiidaalka oo dhererkoodu yahay 760 km kuwaas oo shiidaalka ka soo qaadaya deegaanadda Elala and Kalub oo ku yaala dalka Itoobiya ilaa Jabuuti oo ah halka shiidaalkaasi laga dhoofin doono.

 

“Marka aanu bilawno dhoofka shiidalaka, waxa aanu heli doonaa aduun lacageed oo gaadhaya 6 ilaa 7 billion oo dollar sanadkii, waxaana kor u kici doonaa dhaqaalaha wadanka” sidaas waxa warbaahinta u sheegay wasiirul Dawlaha Macdanta iyo shiidaalka ee Itoobiya Koang Tutlam.

Dhinaca Kale Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka dabiiciga ah ee Jabuuti  Yoonis Cali Geedi oo isna warbaahinta u waramay ayaa xusay in dadka ugu badan ee u kala dhashay labada wadan ay ka heli doonaan shaqooyin.

 

Tan iyo intii uu xukunka la wareegay hoganka cusub ee raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa u muuqata inay albaaabada usoo laabtay heshiishkii dawladii Tigreyga ahayd ee ka horaysay kuwaasoo heshiish maalgashi la galay Somaliland Iyo Shirkadda DP World, waxaana arintaas cadaynaysa inaanay xukuumaddda Abiy dan iyo muraad ka lahayn gabi ahaanba somaliald gaar ahaan Dekedda Berbera taas oo hadda u muuqata inay u wareegayaan dhinaca dalka Jabuuti.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker