Gobolka Sool Oo Laga Dareemayo Qaban-qaabadda Soo Dhoweynta Guddoomiye Xigeenka 1-aad Ee WADDANI

Wararka ayaa Sheegaya in si weyn looga dareemayo Guud Ahaanba Gobolka Sool, Gaar Ahaan Magaaladda Laascaanood qabanqaabadda Iyo u diyaargarowga soo Dhoweynta Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI  Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ku sii Jeedda Gobolka Sool Gaar Xaruuntiisa Laascaanood.
Md Cabdirisaaq Khaliif oo ah Murrashax u taagan inuu ka qaybgalo tartanka Doorashadda Golaha Wakiiladda, Isla-markaana Asxaabta Mucaaradku qorshanayaan inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada haddii uu soo baxo, ayaa socdaalkiisa, waxa uu qayb ka yahay hawlaha Doorashadda iyo sidii uu kulmo kala duwan yeelan lahaa Taageerayaashiisa Gobolkaasi, waxaanu inta uu joogo ka qayb geli doonaa Munaasibaddaha uu Xisbiga WADDANI u qabanayo Murrashaxiintiisa Gobolka Sool iyo Degmadda Laascaanood.
Safarkan uu Gobolka Sool ugu sii jeedo Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee Xisbiga WADDANI Cabdirisaaq Khaliif oo la filayo inuu gaadho beri galinka dambe ayaa Waxa ku wehelin doona Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Hogaamiyaha Xisbiga Md Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Dhanka kale socdaalka Gobolka Sool ee Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif, ayaa ku soo beegmaya, xilli uu halkaas uu sii joogay maalmihii u dambeeyey Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Md Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo dhawaan shaaciyey inuu Golaha Wakiillada u tartamayo, Isla-markaana uu Xisbi Xaakimka KULMIYE dhankiisa qorsheynayo Inuu Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda noqdo hadduu soo baxo.
Geesta kale Waxa durba ka istaadhmay Gobolka Sool loolan Xoog Leh oo u Dhexeeya Asxaabta Mucaaridka Iyo Xisbi Xaakimka KULMIYE oo qoloba dhankoodda u Wadda Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Wasiir Faratoon Iyo Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed hadday soo baxaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker