Dowladda Canada oo Xasuuq u Aqoonsatay Dhibta uu Shiinaha ku hayo Musliminta Uyguurka
Dowladda Canada ayaa xasuuq u aqoonsaday hagar-daamada uu Shiinuha ku hayo qowmiyadda Muslimiinta Uyguurka ama Wiigariska ee dalkaas. Goโaankan ayaa waxaa si aqlabiyad leh ugu codeeyey baarlamaanka dalka Canada.
Canada waxay noqonaysaa dalka labaad ee tallaabadan qaada, iyada oo dalka Maraykanku horay falka dawladda Shiinaha uu xasuuq ugu aqoonsaday.