Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo oggolaatay in la siidaayo canshuurihii Trump

Maxkamadda sare ee Mareykanka ayaa oggolaatay in dacwad oogaha magaaladda New York la siiyo faah-faahinta dhaqaalaha madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, gaar ahaan diiwaanada la xidhiidha canshuuraha.

Baaritaanka lagu sameynayo Trump ee dhinaca dhaqaalaha ayaa dacwad oogeyaasha New York waxay sheegeen inay ka eegi doonaan dambiyo dhaqaale oo lagu soo eedeeyay, waxaana go’aanka Maxkamadda Sare uu niyad jab weyn ku noqonayaa madaxweynihii hore, maadaama uu in muddo ah diidanaa in la fasaxo galkiisa dakliga iyo canshuur celinta.

Garsooreyaasha oo aan macluumaad dheeraad ah ka bixin arrinkan waxay diideen codsigii Trump ee ahaa in la hakiyo xukunkii maxkamadda darajada hoose ee bishii Oktober 7-deeda in ganacsadahan noqday siyaasi ka tirsan xisbiga Jamhuuriga uu ku wareejiyo dhammaan macluumadka ku saabsan xisaabihiisa xeerbeegta maxkadmadda degmada Manhattan ee New York.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker