Dawlada Iiran oo Rajo ka muujisay wadahadalada ay la Gashay Sucudiga

Dalka Iran ayaa sheegay in wareeggii ugu dambeeyey ee wadahadalada ay la yeesheen dalka Sucuudiga inay ahaayeen kuwo midho dhal ah, waxayna rajo ka muujiyeen in horumar wanaagsan laga sameeyo wadahadaladan.

Tehran iyo Riyadh oo xidhiidhkooda diblomaasiyadeed uu go’ay sannadkii 2016, ayaa afar wareeg oo wadahadalo ah ku yeeshay dalka Ciraaq intii u dhexeysay bilihii April illaa September ee sannadkii hore, waxaana ay kulankoodii shanaad yeesheen khamiistii.

“Wada xaajoodkii shanaad ee Iran iyo Sacuudi Carabiya ee Baqdaad … wuxuu ahaa mid wanaagsan oo midho dhal ah waxaana la sameeyey horumar,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran Saeed Khatibzadeh oo la hadlay warbaahinta.

Jamhuuriyadda Iran ee Shiicada u badan iyo dalka boqortooyada Sucuudi Arabia ee Sunniga ah ayaa dal waliba dhiniciisa ka taageeraa kooxaha dalka kale ku kacsan, waxaana kooxaha ay kala taageeraan ku jira, dhinacyada ku dagaalamaya dalka Yemen.

Sannadkii 2016-kii, mudaaharaadayaal Iiraaniyiin ah ayaa weeraray safaaradda Sacuudiga ee ku taalla dalka Iran, kadib markii boqortooyada Sucuudigu ay dil toogasho ah ku fulisay wadaad shiico ah oo lagu magacaabi jiray Nimr al-Nimr. Riyaad oo ka cadhootay safaaraddooda la weeraray ayaa xidhiidhka u jartay dalka Iran.

AFP

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker