Wejigii labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab oo ka billowday Soomaliya

Wajigii labaad ee howlgllada ka dhanka ah Al-shabaab ayaa si rasmi ah uga biloowday deegaano ka tirsan Soomaliya.

Howlgallada qaar oo ka billowday Koonfurta Baledweyne waxaa iska kaashanaya ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda, waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in marka ay soo afjaraan howlgalada haatan ay ka bilaabeen deegaanada dhaca Koonfurta Baledweyne ee ku yaala hareeraha wabiga Shabeelle, inuu xigi doono howlgalka deegaanada ku yaala Galbeedka Hiiraan.

Dhanka kale warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Ciidanka xoogga dalka ayaa saaka al-shabaab kala wareegeen Magaalada Galcad eegobalka Galgaduud.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Galcad si buuxda ciidanku ula wareegay wixii markaan ka dambeeyana loo gudbi doono deegaanada kale ee ay ku suganyihiin Al-shabaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker