Dowlada Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaal xalay ka dhacay Muqdisho

Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay dagaalkii saqdii dhexe ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Wasiir Xasan Xundubey ayaa qoraal ku sheegay in maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku soo qaadeen barraha Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Qoraalkaas oo dhan wuxuu u dhignaa sidan:—

Malleeshiyaad hubaysan ayaa caawa saacadda markay ahayd 1dii habeenimo (1am)soo weeraray baraha Ciidamada Qalabka Sida ay ku leeyihiin qaybo kamid ah Caasimadda Muqdisho. Sarkaal u hadlay malleeshiyadaas ayaa caawa fiidkii hore warbaahinta u sheegay in ay weerar ku yihiin xarumaha Dowladda isla markaana ay qabsadeen qaybo kamid ah Muqdisho. Ciidamada Qalabka Sida markaa kaddib waxay galeen heegan buuxa. Maleeshiyadaasi la soo abaabulay mardhoweyd ayay weerarkii la filayey ee ay sii sheegteen ku soo qaadeen barihii ay ku sugnaayeen Ciidamada Qalabka Sida. Ciidamada Dowladdu way iska difaaceen weerarkaas la soo qorsheeyey, waanay ka guuleysteen maleeshiyadii weerarka soo qaadday. Faahfaahinta weerarka la inagu soo qaaday gadaal ayaanu idinkala soo wadaagi doonnaa.

Wasiirka Amniga Gudaha
Xasan Xundubey Jumcaale

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker