Hogaamiyayaashii ugu caansanaa aduunka iyo wixii ay ka yidhaahdeen ‘wada-hadalka Qaybtii 2aad’.

Weli waxaa inoo socda ,hadaladii qiimaha lahaa ee qaar ka mida Siyaasiyiintii amase hogaamiyaashii ugu caansanaa amase  ugu magaca weynaa Caalamkan aynu noolnahay iyo wixii ay ka yidhaahdeen wada -hadalka ,waxaana ka mid ahaa Hogaamiyayaashaas kuwan:-

 

 

 

  1. James Baker – USA-Wasiir Arimaha Dibadda hore. Wuxuu yidhi“ mar  la weydiiyey ,sababta Bariga dhexe xal waara looga gaadhi waayey ++++++Wuxuu ku jawaabay(waxa aan argagxisada u naqaano ,Carabtu waxay u taqaanaa- Xaq u dirir——-kuwa Carabtu u taqaan Xaq u diririkana anaguna waxaanu u naqanaa argagixiso) ……Ilaa aanu isla fahano erayada Xaq u dirir. Iyo Argagixiso— xal waara laga gaadhi mayo Barriga dhexe”. Wadada keliya ee laysku fahmi karaana waa in la wado wada-hadalka,oo aan la joojin,taas uun baa xal waara lagu gaadhi karaa.

  2. Shemon Peres- Israel Madaxweyne-Raysal Wasaare-Wasiir ka soo noqday   :- Wuxuu yidhi—“Wada hadal kasta oo aad gelayso,wuxuu la mid yahay— adigoo koraya  Buur aad  u dheer,  dadka wada hadlaya qolaba dhinac ayey ka koraysaa Buurta,ujeedadiinuna waa in aad soo qaadaan nabada Buurta dusheeda saaran—– waxa dhici karta in aad ka soo dhacdo Buurta adigoon gaadhin  Buurta dusheeda oo  ah halkii  nabadu taalay ee aad ka soo qaadi lahayd.”. ‘ILLAHAY waxaan ka baryayaa in aynu noqono kuwa aakhirka soo qaada nabada.’

  3. Anwar Sadad Madaxweynihii Masar:- Wuxuu yidhi“ Haddii aynu wada hadalo oo nabad la helo,oo  la  heshiino ,Lacagta faraha badan ee aynu Hubka wax dila  ku soo iibsano—waxaynu ku horumarin karnaa  baahida guud ee dadkeenu qabaan sida Waxbarashad—Beeraha—Caafimaadka —Biyaha –Wadooyinka IWM “

 

 

La soco qaybta dambe iyo wixii ka yidhaahdeen. Madaxweynayaashii Somaliland soo maray.

 

 

 

ALLAA. M A H A D    L E H

Amb. Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

fb. Abdi Saleiman.

Twitter:  @_saleiman.

Skype: abdisaleiman1

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker